War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxaa lagu soo gudbiyay Xubnaha Galmudug ku matalaya Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee heer federal.
Masuuliyiinta uu Madaxweynaha Galmudug uu soo gudbiyay ayaa ka koobnaa Afar xubnood, waxaa ayna kala ahaayeen
1-Garaad Yuusuf Maxamuud-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.
2-Mustaf Macalin Cali Salaad-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.
3-Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf-Xubin Gudigga Doorashooyinka.
4-Liibaan Axmed Xassan-Xubin Gudigga Doorashooyinka.
Horey sidan oo kale guddiga u soo gudbiyay Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug, halka weli maamulka Hirshabelle uusan soo gudbinin.