Kaaliyihii maxkamadda ciidamada Puntland oo lagu dilay Garowe

15

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee gobolka Nugaal waxay sheegayaan in bartamaha magaaladaas lagu dilay sarkaal ka tirsanaa maxkamadda ciidamada Puntland.

Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) oo ahaa kaaliyihii koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa lagu toogtay banaanka hore ee hoygiisa.

Dilka marxuumka ayaa dhacay xalay, waxaana geysatay koox goobta ka baxsatay oo illaa hadda aan heybtooda la garan.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dilka sarkaalkaas loogu geystay gudaha magaalada Garowe oo ka mid ah magaalooyinka ugu ammaanka roon deegaanada Puntland.