Taliyaha xoogga oo faahfaahin ka bixiyey howlgal lagu dilay Shabaab badan

25

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka ka sameeyeen duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Ciidamada ayaa meel 11-KM u jirta Diinsoor ku dilay 19 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska milateriga Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in sidoo kale ay ciidamadu nolosha ku qabteen laba dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamaada ayaa howlgalkaas Al-Shabaab uga gubay laba gaari, sida uu sheegay Taliye Odawaa.

Ugu dambeyntii Taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ciidamadu ku guuleysteen burburinta ka saaridda goobihii ay isku uruursanayeen Al-Shabaab ee duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.