Madaxweyne Trump oo dalbaday in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya

8

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la-taliyayaashiisa sare u sheegay inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen warbaahinta Bloomberg.

Sida lagu yiri warbixinta, kasoo saarista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii u u ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu ciidamada Mareykanka ee dagaallada kala duwan u jooga caalamka uu kusoo celin doona dalkooda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa billowday inay qorshooyin u diyaariso madaxweynaha, waxaana wada-xaajoodyada arrintan ku saabsan qeyb ka ah la-taliyaha amniga qaranka Robert O’Brien, Wasiirka Gaashaandhigga Mark Esper, iyo taliyaha guud ciidamada Mark Milley, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 700 oo askari, kuwaas oo badankood ah ciidamo gaar ah oo gacan ka geysta tababarka ciidamada Soomaaliya. Dhammaan ciidamadan ama badankood ayaa waxaa la diray intii uu Trump xukunka hayey.