Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faah Faahin Ka Baxeysa

18

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa barqanimadii Maanta Darawal Mooto ku dilay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana la helayaa faah faahin.

Dilka loo geysay Darawalka Mooto ayaa ka dambeeyay, kadib markii muran kooban uu soo kala dhexmaray Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda iyo Darawalka, hayeeshee markii dambe Askariga  uu rasaas ku furay Ninkaas, isagoona geeriyooday.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Liiban Abeesow, isagoona kamid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mootada labo lugooleyda ee ka shaqeysa Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ilaa degmada Afgooye  ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad shacab ah oo ku sugnaa meel ku dhow goobta uu dilka ka dhacay ayaa ka qaaday Meydka Marxuumka halkaas daqiiqado yaallay, isla markaana waxaa goobta ka baxsaday Askarigii ka dambeeyay falkaas.

Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa mararka qaarkood Magaalada Muqdisho dilal ugu geysta Darawalada Mooto Bajaajta iyo dadka shacabka ah, iyagoona inta badan Askarta u dila dadka murano iyo siyaabooyin kale.