Gudoomiye Macalimuu oo Gaashanka u duruurey Hadalka ka soo yeeray Kaliil(Dhageyso Wareysi)

207

Cismaan Nuur Xaaji(Macalimow)oo ah Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa Wasiru Dowlaha Amniga Jubbaland oo xaley wareysi siiyey Radiyaha Markabley ee Baardheere ayaa sheegay in doorasho xubnaha Xildhibaanada ayan ka dhaici Karin Gobolka.

Gudoomiye Macalimow oo la soo xariirey Radio Markabley isagoo daba socda Wareysi uu bixiyey kaliil ayaa sheegay in Doorashada kuraasta xildhibaanada metela Gobolka ay ka dhici doonto Garbahaarey,cid hor istaagi kartana ayan jirin,Amniga Gobolkana uu yahay mid la isku haleen karo.

“waxaa is raacsan ayuu yiri shacabka degan 7da degmo,ciidanka DFee ku sugan degmooyinka Gobolka waa mid aan ku qanacsanahay,Kaliilna waxaa uu ku tilmaamay Nin mabda,aan lahayn oo marba meel u socda,iminkana ku sugan Ceelqaalow waa sidii uu hadalka u dhigey Gudoomiye Macalimow.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA OO DHAMAYSTIRAN