Wasiiru Dowlaha Amniga Jubaland oo iminka ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa Faah faahin ka bixiyey Ujeedada Socdaalkiisa iyo Aragtidiisa ku aadan Xaalada Siyaasadeed Gobolka uu wajahayo(Dhageyso Wareysiga)

200

Maxamed Cabdi kaliil oo horey u soo noqdey Wasiiru dowlaha Amniga Jubaland ayaa markii ugu horeysay waxaa uu faah faahin uu kaga bixiyey Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya DF ,Maamul Goboleedka Jubbaland iyo Dilkii iyo weliba Afduubkii ka dhacay Nawaaxiga Ceelwaaq.

Maxamed Cabdi Kaliil oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Radio Markabley ayaa u muuqanayey inuu ka soo horjeedo Kuraasta Beesha Sade in la geeyo Magaalada Garbahaarey,waxuuna tilmaamay in taasi ay suurta gal noqon Karin in hal deegaan doorasho Beesha ay yeelato,taasoo meesha ka saareysa Deegaankii Beesha ay ku lahayd J.hoose waa siduu hadalka u dhigaye.

Mar aan weydiinay Xariirka uu la leeyahay Maamulka Gobolka Gedo,maadama iminka uu ku sugan yahay Ceelwaaq iyo sida uu u arko howlaha ka soconaya Gobolka ayaa waxuu yiri wax maamul oo sharci ah kama jiro Gobolka,isagoona si kulul u eedeyeey DF.

Hoos ka dhageyso Wareysiga oo Faah faahsan Barnaamijka Xog Wareysi