Xaflad balaaran oo lagu daah furayey Dib u dhis lagu sameeyey Saldhiga Booliska degmada Baardheere

31

Saldhiga Booliska degmada Baardheere ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey waxaa ka soconayey Dib u dhis iyo balaarin lagu sameynayey qeynaha kale duwan ee Saldhiga Booliska oo tan iyo Dowladii dhexe aanan helin wax dib u dhis ,Dayactir iyo balaarin.


Xafladii xariga looga jarayey Dhismaha balaaran ee lagu soo kordhiyey Saldhiga ,islamarkaana loo dhameystirey dhamaan waxii Qalab ahaa ee lagu shaqeynayey ayaa waxaa goob jog ka ahaa,Gudoomiyaha degmada Baardheere,G/ku xigeenka degmada,Ururka haweenka,Odoyaasha degmada ,Saraakiisha Booliska iyo wax garad kale.

Saldhigan ayaa dib u habeynta lagu sameeyey ayaa ahayd mid is xilqaan ah oo ay ka qeyb qaateen Qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada BaardheereWaana kuwan xubnahii kale duwanaa ee ka Hadley Xaflada xarig jarka Saldhiga Booliska Baardheere.

Gebagebadii xaflada ayaa waxaa soo xirey Maxamed Weli Qorax oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ,isagoona qeybaha Bulshada Baardheere ku bogaadiyey doorkii is xilqaanka ahaa ee ay ku dhisteen Saldhiga Booliska degmada.

Si kastaba arintu ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee Burburka dalka ka dib saldhiga lagu sameeyey Dib u dhis iyo Qalabeyn.