DF oo ciidamadii ugu badnaa geysay xaduuda Soomaaliya iyo Kenya

21

Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la geeyay degaannada xadbeenaadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan degmooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Tallaabadan ayaa ku soo aaday xilli ay dhawaan dowladda Kenya ka soo yeertay farriin hanjabaad ah oo tilmaameysay inay ciidamada Kenya jawaabi doonaan hadii rabsho dambe ay ciidamada Soomaaliya xaduuda ka sameeyaan.

Deegaannada ciidamada la geeyay ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamada dowladda ay geysay gobolka Gedo ee dagaalka la galay Wasiirka Amniga Jubbaland, balse ciidamo kale oo hor leh oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu kordhiyay.

Taliyaha Ciidamada xasilinta gobolka Gedo, Bakaal Kooke iyo qaar ka mid ah, saraakiisha ciidamada guutada 12-aad qeybta 43-aad iyo maamulka degmada Beled-Xaawo ayaa halkaasi geeyey ciidamada, iyagoo lagu biiriyay kuwii horay u joogay inta u dhaxeysa magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.