Wararka Ciidamo la kala dhex-dhigay Maleeshiyaad dagaalamay

16

Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka  qaranka Qaybtooda  ka howlgasha degaannada Galmudug  ayaa ku guulaystay in ay kala dhex-galaan laba maleeshiyo Beeleed oo saaka kudagaalamay Deegaanka Aruuris oo dhaca duleedka bari ee Deegaanka  Xananbuure ee Gobolka  Galgaduud .

Dagaalka labada maleeshiyo beeleed oo salka ku haayo Arrimo la xiriira dhul ayaa waxaa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha Ciidamada  hoggaminayay ayaa kulamo lagu xalinaayo colaad beeleedyada waxaa ay la qaateen waxgaardka labada beelood, iyaga oo u sheegay inay doonayaan in si nabad ay ay u wada noolaadaan.

Deggaannada Galmudug ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay dagaal beeleedyada, waxaana dagaaladaas ay sababeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo barakaca boqolaal qoys.