Banaan bax maanta ka dhacay magaalada Beledweyne

17

Wararka ka imanaaya Magaalaada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan  ayaa sheega in halkaas maanta uu  ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo qaabka  hataan loo wado dhismaha mamaulka Hirshabeelle.

Dadka banaan baxa dhigaya oo iskaga kala yimid xafadaha kala duwan ee magaaladaasi, ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ku diidanyihiin mamaulka Hirshabeelle, waxana ay shegeen in ay ka baxeen laga bilaabo maanta magaca maamulka Hirshabeelle madaama sida ay tilmaameen gobolka Hiiraan lagu dulmiyey awood qeybsiga mamaulka.

Bannaan baxayaasha ayaa waxaa ay socod ku mareen  wadooyinka waaweyn ee Beleweyne.

Maamulka Hirshabeelle ayaan weli wax war ah ka soo saarin arrintan ay uga soo horjeesteen iyo eedaymaha ay tabanayaan inta badan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.