Haweeney lagu dilay Magaalada Burco & qof loo qabtay

58

Gabadha oo lagu Magacaabi jiray Ugbaad Cali Dhaban-loox, ayaa waxaa lagu dilay Magaalada Burco ee Gobolka ogdheer, waxaana la sheegay in dilkeeda uu ka dambeeyay Nin kamid ah dadka ku nool Magaaladaas.

Meydka Gabadha ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco, sida uu xaqiijiyay  Agaasimaha Cisbitaalka  Dr Cabdi Suudi, waxaana uu sheegay in falka dilka ah ee Gabadha  loo geystay uu xalay ka dhacay Magaalada Burco.

Ciidamada Booliska Magaalada Burco ayaa waxaa ay dilka, kaddib sameeyeen howlgallo, iyada ugu dambeyn la sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin ku eedeysan falka dilka ah.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa keenay in Ninka uu dilka u geysto Haweeneyda balse ay Ciidamada booliska baaritaan ku hayaan waxaana Ugbaad Cai la sheegay inay ahayd Hooyo saddex Carruur ah dhashay.