Meydka Cali Khaliif oo Muqdisho la keenay iyo aas Qaran oo loo sameynayo

18

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho lasoo gaarsiiyay meydka Allaha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr, oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dhulka dowlad deegaanka Soomaali-Galbeed.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa meydka ku sugayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , iyadoo haatan ay socto salaadda Janaasada iyo sidoo kale Aaska meydka oo ay ka qeyb qaadanayaan inta badan madaxda dowladda federaalka.

Wararka soo baxayay saacadihii u danbeeyay oo ku aadan geerida marxuum Cali Khaliif ayaa sheegaya in lagu sameeyay baaris sababta dhimashada, balse aan la shaacin natiijada.

Sidoo kale mar baaritaanka wax laga weydiiyay wasiirka kalluumeysiga Soomaaliya oo kamid ah guddiga aaska Qaran ee marxuum Galayr ayuu sheegay in aan meydka lagu baareyn Muqdisho.