Banaanbax maanta ka dhacay magaalada Hobyo

14

Magaalada Hobyo ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax ka dhan ah Lacag Cashuur xad dhaaf ah.

Babaanbaxan ayaa inta badan waxaa dhigayay dad shacab ah, waxa ayna cabasho ka ahaayeen Lacag Canshuur xad dhaaf ah, taas oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadda maamulka Galmudug.

Shalay ayaa waxaa dekadda Hobyo ku soo xiratay dooni shixnad ganacsi u sidday mid ka mid ah ganacsatada waaweyn ee magaalada Hobyo, waxaaana la sheegay in maamulka Galmudug ay kala kulantay Canshuur xad dhaaf ah.

Banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Canshuurtan ay ka cabanayaan, iyagoo sidoo kalena dalbanayay in dib loo eego cabashadooda.