Khamri badan oo maanta lagu gubay Beledweyne iyo mas’uuliyiin ka hadlay

11

Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay dhalooyin Khamri ah oo gaaraya 197-dhalo, kuwaas oo lagu dhex qariyay raashin, sida ay sheegeen saraakiisha booliska.

Khamrigaas ayaa lasoo waday magaalada Muqdisho, balse laamaha ammaanka magaalada Beledweyne ayaa ka war-helay kadibna gacanta ku dhigay.

Maanta ayaa khamrigaas lagu gubay goob fagaare ah oo ku taalla magaalada Beledweyne, waxaana ku sugnaa mas’uuliyiinta gobolka, sida guddoomiyaha maxkamadda gobolka, taliyaha saldhigga boliiska Beledweyne iyo taliyaha qeybta boliiska gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Taakoy iyo duqa magaalada Beledweyne oo goobta warbaahinta kula hadlay ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen ciidankii gacanta ku soo dhigay khamrigaas.

Sidoo kale waxay sheegeen mas’uuliyiintu in maxkamadda loo gudbin doono eedeysanayaashi lagu soo qabtay maan-dooriyahaas oo ay ku tilmaameen mid halis ku ah bulshada.