Kenya oo dagaal ugu hanjabtay ciidamada Soomaaliya hadii ay dhacdo rabshad dambe

21

Dowladda Kenya ayaa qoraal digniin iyo hanjabaad ah usoo dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida uu shaaciyey wargeyska African Intelligence.

Wargeyska ayaa sheegay in 2-dii October ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo ay qoraalka ay u dirtay dhiggeeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uga digtay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaan kuwa Soomaaliya, haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal.

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda daba-yaaqadii September, markaasi oo iska hor-imaad kooban uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamada labada dal.