Maamulka Puntland oo war ka soo saaray baaritaanka dilkii guddoomiyihii gobolka Nugaal

22

Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray dilka guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir, loogu gaystay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Sida ee Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in kiiskii marxuum Gu’jir la soo gebogebeeyay,ayna shaacin doonaan natiinadii ka soo baxday.

Waxa uu sheegay guddoomiyuhu in ay jiraan xubno ay kiiskan usoo qabteen, gacanta hay’adaha amnigana ay ku jiraan.

Inkasta oo uusan guddoomiyuhu sheegin tirada iyo magacyada shaqsiyaadka ay u soo qabteen kiiskan, ayaa waxa uu sheegay in shacabka ay xaqiiqada la wadaagin doonaan.

Bishii March ee sanadkan ayay ahayd markii la qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir iyo qaar ka tisanaa ilaalladiisii, waxaan masuuliyadda qaraxaasi sheegtay Al-Shabaab.