Barakacayaal xaalad caafimaad darro ay ku haysato Shabeellada Hoose

23

Warar aan helnay ayaa sheegaya in xaalad caafimaad darro ay soo wajahday dad ka barakacay magaalada Afgooye iyo deegaanno kale.

Dadkan ayaa deegaansaday inta u dhaxeysa deegaanka Warmaxan iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Waxaa lagu soo warramayaa in dadkaasi hadda ay wajaheen xaalad caafimaad darro middii ugu liidatay maadaama aysan jirin cid daryeel u fidisay.

Dadkan ayaa guryahoodii uga barakacay saameyn ba’an oo uu webiga Shabeelle ka gaystay magaalada Afgooye iyo deegaanno kale oo hoostaga, waxaana yareyd gargaarka ay helaan.

Marar kala duwan ayay shacabka iyo dawladda iyo maamulka gobolkaba weydiisteen in ay gargaar u fidiyaan, balse ay yareyd waxa ay heleen sida ay qaarkood oo warbaahinta la hadlay ay sheegeen.