Dib u dhac ku yimid dhaqan-galka jadwalkii doorashooyinka Hirshabeelle

7

Waxaa hakad uu ku yimid dhaqangalka jadwalkii doorasho ee ay soo saareen guddiga u xilsaaran soo xulista Baarlamaanka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Hakadkan ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare , uu soo saaray warqad uu kaga soo horjeedo jadwalkii ay saareen guddigu.

Dhinaca waxaa jirta walaac xooggan oo ka taagan doorashada maamulka Hirshabeelle, taad oo ku aadan in madaxda haatan ay sameystaan mudo kororsi.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku matala maamulka Hirshabeelle ayaa kal hore shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Muqdisho, waxa ay uga digeen maamulka Hirshabeelle gaar ahaan madaxda waqtigoodu dhammaaday in ay ka digtoonaadaan mudo kororsi ay sameystaan.