-Banaanbax ka dhacay Gobolka Sanaag

31

Banaanbaxaan ayaa waxaa dhigayay qaar kamid ah ah dadka  qeybahooda kala duwan oo ku nool Magaalada badhan ee gobolka Sanaag, iyaga oo cabasho u diray Madaxda Sare ee Dowlad goboleedka Puntland.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo taayaro ku gubay wadooyinka magaalada Badhan ayaa waxaa ay sheegeen inay ka cabanayaan Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad  oo ay sheegeen in uu kala qeybiyay 5 xubnood oo lagu daray golaha Deegaanka ee magaalada Badhan

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ugu baaqeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland in uu faraha kala baxo arrimaha la xiriira Golaha degaanka Magaalada Bahdna.

Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Maamulka puntland dhankeead weli wax jawaab ah kama bixin eedeynta ay u jeediyeen Shacabka ku nool Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.