Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo safar deg deg ah ku tagaya Beledweyne

6

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in manta oo Khamiis ah ay tagaan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waare oo ku sugan Magaalada muqdisho ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo maalahaan shirar siyaasadeed ku lahaa Muqdisho.

U jeedka Wafdiga Madaxweyne Waare ay u tagayaan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii uu Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan kala hadli dlahaa Arrimaha soo xulista xildhibaannada.

Maamulak Hir-Shabeelle ayaa dhawaan waxaa la filayaa inay ka bilaawdaan doorashooyin, iyad aoo ay jirtay in Guddiga farsamada doorashooyinka ay soo saareen jadwalka doorashada, balse uu kasoo horjeestay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.