Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay degmada Afgooye

24

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaarx khasaaro kala duwan geystay oo Maanta ka dhacay gudaha degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku taalla degmada afgooye,w axaana la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray Ciidamada & dad Shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib ciidamada ku sugnaa halka uu ka dhacay ay muddo kooban joojiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow ay markii ambe ay dib u fureen.

Sidoo kale Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo ay ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro, wallow badankood ay Ciidamada siidaayeen dadka ay howlgalka ku qabteen.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Shabeellaah Hoose, waxaana mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, weeraro iyo qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab.