Afar qof oo isku qoys ah oo lagu dilay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida

19

Tuulada Faarax Liibaan oo qiyaastii 18km u jirta degmada Xarshin oo ka tirsan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lagu soo warramayaa in nin la sheegay in dhimirka uu ka xanuunsan yahay uu afar qof oo hal qoys ka wada tirsanaa ku dilay shan kalena uu ku dhaawacay, sida ay xaqiijiyeen maamulka degmada.

Ninkan oo ku hubeysnaa faas ayaa galay guriga qoyska, isagoo kaddib dilay hooyadii, aabbihii qoyska iyo labo carruur ah oo ay dhaleen.

Afar kale oo carruurta qoyskaasi ka tirsan ayuu sidoo kale dhaawac soo gaaray, waxaana haatan lagu dabiibayaa isbitaaalka guud ee magaalada Jigjiga, iyada oo carruurta dhaawac culus uu ninkaasi u geystay qalliin lagu sameeyey balse ay weli xaaladdooda liidato.

Dhacdadan ayaa deegaanka ka abuurtay naxdin. Ninkii dhibka geystay waxaa haatana gacanta ku haya booliska deegaanka.