Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Gedo.

16

Sida ay sheegayaan wararka  diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka geysteen degaano hoostaga degmooyinka, Beled-Xaawo iyo Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Dad deegaanka ayaa KNN u sheegay in diyaaradaha oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya ay duqeymaha ka geysteen  degaannada kala ah , Baliga Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji iyo Baliga Dhadhaable.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay duqeynta.

Warar qaar ayaa sheegaya in hal ruux uu ku dhintay duqeynta, halka Afar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ah Shacab Xoolo dhaqato ah, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.