Khasaare culus oo ka dhashay gaari Bas ah lagu weeraray duleedka Ceelwaaq

23

gu yaraan 8-qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday gaari Bus ah oo marayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi ee dalka Kenya.

Weerarkaas waxaa la aaminsanyahay inay fuliyeen koox ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in sideeda qof ee ay ku dhaawaceen afar ka mid ah ay aad u darantahay.

Gaariga la weeraray ayaa ka baxay Mandheera waxuuna ku siijeeday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, balse waxaa loo galay meel u dhaw deegaan lagu magacaabo Kotilo oo u dhaw degmada Ceelwaaq, halkaas oo lagu rasaaseeyay.

Ku dhawaad 10 dagaalame ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarkaas, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadkii la socday gaariga la weeraray.

Dhaawacyadii soo gaaray dadkii la socday gaariga la weeraray ayaa la dhigay isbitaallada degmada Ceelwaaq, oo haatan lagu dabiibayo, iyagoo dal baday in gurmad caafimaad loo sameeyo.