Ciidamada DF oo qabtay gaari xamuul ah oo qarax lagu soo raray

34

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax laga soo buuxiyey gaari xamuul ah oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa milateriga ay saacadihii lasoo dhaafay ku fashiliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxaas ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ku soo rareen gaari weyn oo Dheyne ah, isla markaana uu ku soo socday magaalada Muqdisho, waxaana lagu fashiliyey howlgal ay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gor-Gor ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in gaarigaas lagu qabtay degaan lagu magacaabo Walamooy oo u dhaw Afgooye, sidoo kale xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaas.

Ismaaciil Siidoow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Basro iyo seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa ayey maanta dileen ciidamada militeriga Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiishu, intii ay ku jireen howlgalkaa