Al-Shabaab oo weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb

16

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Ku dhawaad 10 hoobiye ayaa ku dhacday hareeraha garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo laga soo riday jihada koonfur bari ee magaalada, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska Galmudug.

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa gacanta ku haya ammaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, illaa hadana lama soo werin wax khasare ah oo ka soo gaaray hoobiyeyaashaas xalay lagu garaacay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in deegaanada Miir-dugul iyo Ceel-Cali Mire oo u dhaw garoonka Dhuusamareeb ay hoobiyaashaas ka soo tureen Al-Shabaab, halkaas oo dhawaan ay kula dagaalameen ciidamada milateriga Soomaaliya.

Wararkii u dambeeyay ee aan saakay ka heleyno Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan deegaanada dhaca duleedka bari ee magaalada Dhuusamareeb.