Al-Shabaab oo sii daayey dhaqaatiirtii dalka Cuba u dhashay ee ay haysteen

23

Xarakada Al-Shabaab ayaa sii daysay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, oo muddo ay ku haysteen gudaha Soomaaliya, waxaa goor dhow sidaas shaaciyey saraakiiil sare.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dhaqaatiirta lasii daayey dhammaadkii toddobaadkii tegay, kadib wada-xaajoodyo muddo socday.

Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ma bixin faah-faahin intaas dheer.

Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa u sheegay AP in sirdoonka Soomaaliya oo matalaya dowladda Cuba ay galeen wada-xaajoodka lagu sii daynayo dhaqaatiirta kadib markii la tusay muuqaal caddeynaya in dhaqaatiirta ay nool yihiin.

Weli ma cadda halka ay iminka ku sugan yihiin dhaqaatiirta.

Al-Shabaab ayaa dhaqaatiirtan kasoo afduubtay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii April ee 2019, ayaga oo dilay mid ka mid ah raggii ilaalinayey, kadibna la galay Soomaaliya.