Sadax maalin kadib Trump oo laga saaray cisbitaalkii uu ku jiray

2

Madaxwaynaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa laga saaray cisbitaalkii uu ku jiray kadib sadax habeen uu halkaasi ku hoyday.

Trump ayaa Aqalka Cad, dib ugusoo laabtay iyadoona halkaasi looga sii daween doono Fayraska-Karona oo Jimcihii hore ku dhacay isaga iyo xaaskiisa.

Donald Trump ayaa kahor inta uusan kasoo bixin cisbitaalka kusoo qoray bartiisa Twitter’ka. “Haka baqin Covid, hana u ogolaan in uu saameen kugu yeesho”.

“Aniga waan ka caafimaad qabaa hadda wali waxaan ka wanaagsanahay labaatan jirkaygii”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Trump Wadanaka Mareykanka ayaa ah dalka ugu daran dunida ee uu saameeyay xanuunka Covid-19, waxaa haatan uu ku dhacay dadka gaaraya 7.4 milyan oo qof halka ay u dhinteen in kabadan 210,000 oo ruux.