Golaha guurtida Somaliland oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka

20

Xildhibaanada Golaha Guurtida Maamulka Somaliland ayaa Maanta kulan  ku yeeshay Magaalada Hargeysa, iyagoona uga dooday hal ajende.

kulankii Golaha Guurtida inta uu socdau ayaa waxaa looga dooday ansixinta Xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa 53 Xildhibaan, waxa ogolaaday 49 mudane laba Xildhibaan waa diideen Hal Xildhibaana waa ka aamusay sidaasi ayuu kaga Gudbay Golaha Guurtida Somaliland.

Guddiga komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan sheegay inay socdaan howlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka.

Xeerkan ayaa maanta waxaa uu  ka soo gudbay Golaha Wakiilada Soomaaliland, islamarkaana waxaa uu u gudbayaa Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si uu u saxiixo.