Jadwalka lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo la soo saaray

7

Guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa soo saaray jadwalka soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaas.

Xubnaha Guddiga oo maanta kulan ku yeesheen magaalada Jowhar ayaa soo saaray jadwal qeexaya, sida howlaha soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulka ay u dhacayaan.

Jadwalka ayaa ku qoran in maalin kahor xilliga ay ku egtahay mudada baarlamaanka koowaad oo ah 9-ka bishan ay bilaabanayso howlaha guddiga..