Wasiir Beyle oo ka war bixiyey kulan uu la qaatay wasiirrada maaliyadda ee D/goboleedyada

15

Sii-hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaya shirka wasiirada maaliyadda ee dowlada goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo ku qabsoomay qadka Internet-ka.

Wasiirrada ayaa kulankaas uga wadahadlay sidii xoogga loo saari lahaa hormarinta dhaqaalaha dalka, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda dowladda federaalka.

“Waxaa mar kale inoo qabsoomay shirkii maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federal ka Soomaaliya.kaasi  aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa horumarinta dhaqaalaha dalka iyo wada shaqeynta” ayuu yiri wasiir Beyle.

Sii-hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay ka go’antahay  in si wadajir looga wadashaqeeyo kobcinta dhaqaalaha dalka, isaga iyo wasiiradii uu maanta la shiray ee dowlad goboleedyada.