Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amiirka Iyo Shacabka Dalka Kuweyt Gaarsiiyey Dhambaalka Tacsida DFS Ee Geeridii Amiir Sabaax

23

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tagay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax ayaa gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al-Axmed.

Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tacsida la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Ummadda dalka Kuweyt Mudane Marsuuq Alqaanim, Dhiggiisa dalkaas Mudane Sabaax Khaalid Al-Axmed, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Ilaalada Qaranka Mishcal Al-Axmed, Amiirrada iyo dhammaan xubnaha Qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt.

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu booqday qabriga Marxuum Sheekh Sabaax Al-Axmed oo uu u soo duceeyey, Eebbana uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Kuwait u tagay in uu hoggaanka iyo shacabka Kuwait gaarsiiyo tacsida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Sheikh Sabaax AlAxmed oo ahaa hoggaamiye aragti dheer oo isaga iyo shacabkiisaba uu xiriir wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi kala dhexeeyo shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo garowsan kalgacaylka walaaltinimo ee Amiir Sheekh Sabaax Al-Axmed uu u hayey shacabka, dowladda iyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay adkeynta xiriirka Labada dal, waxa ay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo lana sii horumariyo dhaxalka diblumaasiyadeed ee marxuumku uu uga tagay labada dowladood.