Maxay ka wada-hadleen Kheyre iyo Ismaaciil Cumar Geelle?

23

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo haatan ah musharax madaxweyne.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo la xiriira doorashooyinka loo balansanyahay 2020/2021-ka ee Soomaaliya.

Socdaalkan Xasan Cali Kheyre uu ku tegay Jabuuti waa kii ugu horeeyay ee uu dalka uga baxay tan iyo markii xilka laga qaaday 25-kii bishii July ee sanadkan.

Kheyre oo ku dhaawaaqay in uu yahay musharax madaxaweyne ayaa hadda la aaminsanyahay inuu bilaabay ololihiisa, sidoo kale musharaxiin aad u badan ayaa iyaguna ololahooda doorashada ka bilabay magaalooyin ay ugu horeeyaan Muqdisho iyo Nairobi.