Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo soo saaray amar culus

25

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta soo saaray amarro ku socda maamulka hotellada magaalada Muqdisho.

”Labo qof oo rag iyo dumar ah oo aan la xaqiijin inay is qabaan Hotel ma wada degi karaan. Hotelkii aan weydiin shahaadada Nikaaxa waxuu ka qeyb-qaadanayaa baahinta xumaanta” ayuu yiri guddoomiye Baashe.