Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Agaasimay Madal Looga Hadlayay Horumarinta Ganacsiga Caasimadda Muqdisho

24

Madashaan ayaa waxa ka qaybgalay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo Ganacsatada Soomaaliyeed uu horkacayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Cabdi Gabeyre.

Madashaan ayaa looga dooday Iskaashiga  dhex mari kara Dowladda Hoose ee Xamar iyo Ganacstada si loo horumariyo ganacsiga Caasimadda. Ka qaybgalayaasha ka socday Ganacstada gaarka ah ayaa si toos ah u weydiinayay su’aalo Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir oo iyaga dhankooda ka jawaabayaya.

Waxaa diiradda lagu saaray Madasha Caqabadaha heesta Ganacsiga Caasimadda iyo Fursadaha jira ee lagu horumarin karo ganacsiga,  iyadoo dhanka  kale laga hadlay muhiimadda kobaca ganacsiga ee uu leeyhaya shaqo abuurka iyo horumarka dalka.

Ugu danabayn ayaa leesla garty in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa si hanaan wada jir ah looga gudbo caqabadaha horyaala Ganacsiga Caasimadda waxaana lagu hishiiyay in la dhisi doono guddi mid ah oo ka hawlgala arrimaha Horumarinta Ganacsiga.