Dhagaxaantii ku xirnaa wadooyinka degmada Wadajir oo la qaaday.

34

Dhagaxaantaan ayaa laga qaaday waddooyinka waa weyn ee gela degmada Wadajir ee gobolka banaadir kaddib markii ay badatay cabashada dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dhagaxaantan ay ku hor jarnaayeen dhammaan jidcadayaasha gela xaafadaha kala duwan ee degmada wadajir kuwaa oo suurtagelin waayay in lagu isticmaalo waddooyinkaasi gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa KNN usheegay caqabadaha ugu weyn ee noloshooda ragaadisay muddooyinkii ugu dambeeyay ay ahaayeen dhagaxaantaasi maadaama dadka xanuunsan iyo meydadka waddooyin ay marsiiyaan ay waayeen sidaane ay kaliftay in degmada wadajir ay noqoto Jaziirad gaar ah oo ka madax bannaan degmooyinka kale ee gobolka banaadir.

Wadada kaliya ee degmada wadajir laga geli jiray lagana soo bixi jiray ayaa waxa ay ahayd midda ka baxda isgoyska Zoobe ee tagta isgoyska dan wadaagaha ee degmadaasi middaane ay xirmi jirtay xiliyada roobka ka da’o magaalada Muqdisho maadaama ay biyo fariistaan.

Xubno kamid ah maamulka degmada wadajir ayaa xaqiijiyay in dhagaxaanta laga qaaday waaddooyinka xirnaa ee degmadaasi islamarkaana shacabka ay ku adeegsan karaan gaadiidkooda hayeshee waxaa loo diiday maamulka in warbaahinta ay arrintaan kala hadlaan.

Idaacadda kulmiye ayaa warbixin ka sameysay goor hore degmada wadajir waddooyinkeeda oo kolkaasi xirnaa maadaama ay quus taagnaayeen dadka deegaanka ayna jirtay guryaha qaar oo dhagaxaanta lagu hor xiray.

Waddooyinka waa weyn iyo jidcaddayaasha qaar ee magaalada muqdisho ayaa iyagane weli ku xiran dhagaxaanta kuwaa oo la dalbay in la qaado.

R/wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu amray in degmada Wadajir waddooyinkeeda laga qaado dhagaxaanta ku xirmaa kaddib markii uu la kulmay maalma ka hor saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dowladda.