Deni oo mar kale Dubai u tegay la kulanka madaxda DP World

6

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in uu halkaas kula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda DP World oo haatan maamusha dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa uga sii gudbay Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ugu muhiimsan in uu la kulmo mas’uuliyiinta Shirkadda DP World.

Deni ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta DP World kala hadlo, arrinta Dekedda Boosaaso oo aysan wax shaqo ah ka qaban mudadii ay gacanta ku haysay, isla markaana ay ciid ka buuxsantay.