Rooble oo safarkiisii u horeeyay dibadda maanta u baxaya tan iyo markii la magacaabay

26

Sida ay sheegayaan warar hoose oo aan ka helnay madaxtooyada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Axad ah dalka dibadiisa ugu baxo safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii loo magacaabay xilkan 17-kii Sebetmber.

Rooble ayaa sida aan xogta ku helnay ka qeyb gali doona tacsi dalka Kuwait maanta loogu sameynayo Amiirkii Mareykanka ku geeriyooday ee dalkaas Sheekh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah.

Sheekh Sabah ayaa isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka ku geeriyooday 29-kii bishii hore ee September. Waxuuna ahaa 91-sano jir.

Wararku waxay intaas ku daraayaan in safarkan markiisii hore  loo qorsheyay madaxweyne Farmaajo, balse is bedel ayaa ku yimid shalay oo madaxweynuhu uu u baxay dalka Suudaanta Koonfureed halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabad lagu kala saxiixanayey heshiiska nabadda Suudaan, kaas oo dhex maray dowladda iyo kooxo mucaarad ku ahaa mudo dheer.

Safarka ra’iisul wasaare Rooble ee Kuwait ayaa imanaya ayada oo weli uusan soo dhisin xukuumadiisa cusub, taasi oo la filayo inuu ku dhowaaqo marka uu dalka kusoo laabto, sidoo kale inta badan hogaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka ayaa maanta isugu tegaya dalkaas, si ay uga qeyb galaan tacsida Amiir Sheekh Sabah