Kheyre oo markii u horeysay dibadda u safray tan iyo markii xilka laga qaaday

10

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxay tan iyo markii xilka laga qaaday 25-kii bishii July ee sanadkan.

Khayre oo bishii hore ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti.

Sidoo kale safarka Xasan Cali Khayre ee maanta ayaa kusoo aadaya, iyadoo isla maanta uu safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble tan iyo markii xilkan loo magacaabay 17-kii bishii hore ee Sebtember.

Rooble ayaa ku wajahan dalka Kuwait, si uu uga qeyb galo tacsi loo sameynayo Amiirkii dalkaas oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.