Raysal wasaare Rooble oo amarro dul dhigay siihayeyaasha xukuumadda Soomaaliya

1

Maxamed Xuseen Rooble raysal wasaaraha cusub ee dalka ayaa waxa uu maanta soo saaray amarro ay uu duldhigayo xubnaha wasiirrada ee xukuumaddii hore ee kalsoonida lagala laabtay bishii July ee sanadkaan.

Raysal wasaraha ayaa sii hayeyaasha xukuumaddii hore waxa uu ku amray in ay isaga iyo ku simaha ku xigeenka raysal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ay ku wargeliyaan, tallaabo kasta oo ay qaadayaan.

Waxa uu intaa ku daray raysal wasaare Rooble in wixii intaas ka soo hara ay noqon doonaan tallaabo an la aqbali doonin, sida ku cad warqad maanta ka soo baxday xafiiska raysal wasaare Rooble.

Hoos Ka Akhriso:-