Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Asmara kula kulmay madaxdweyne Afwerki

20

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  iyo kan dalka Eriteria Isaias Afwerki ayaa magaalada Caasimadda ah ee dalkaasi ee Asmara waxaa uga socda kulan u dhexeeya .

Labada Madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadlayaan sidii kor loogu qaadi karo iskaashi- siyaasadeedka , arrimaha dhaqaale iyo midda bulsho ee Labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalkaasi kaga qayb geli doona mashaariic horumarineed oo dawladda dalkaasi ka fulin doonto dalkeeda.

Safarkan madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii Saddexaad oo uu ku tagayo dalkaasi Eriteria tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.