Ciidamada AMISOM oo isaga baxay saldhigyo ay ku lahaayeen Shabeellada Hoose

13

Wararka ka imaanaya deeganno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose  ayaa ku warramaya in xalay ilaa iyo maanta Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay baneeyeen fariisimihii ay ku laheeyeen deegaannada Ceelasha Biyaha, Carbiska iyo degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay aadeen deegaanno iyo degmooyin ka mida  isla gobolka Shabeellada Hoose,kuwaas oo aan ilaa iyo hadda la shaacin.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan  cabsi xoogan ay ka taagan tahay deegannadaasi ay maanta Ciidamadu banneeyeen.

Wararka ayaaa intaasi waxa ay ku darayaan, in Taliska militeriga Soomaaliya ay amar ku bixiyeen in qaar ka tirsan Ciidamada dawlada Soomaaliya ee ku sugan No.50 (Nambar Konton), ay tagaan goobihii ay ka baxeen AMISOM.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa uu ka mid yahay goobaha ay ku badan yihiin dagaallamayaasha Al-Shabaab, iyadoo dawlada Soomaaliya iyo saaxaabadeeda Caalamkana ay dadaallo badan ku bixiyaan sidii ay uga saari lahaayeen Al-Shabaab.