Dagaal dhex-maray Ciidamada Kenya & Al-Shabaab

39

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu degaannada Taabto iyo Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada Hoose uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM & Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii ay Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaannada Taabto iyo Cabdalla Biroole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacad ku dhow socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab, balse aysan sirasmi ah u cadeyn Karin khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in intii uu dagaalka socday ay sidoo kale Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab madaafiic is weeydaarsadeen, taas oo aan wax khasaaro ah u geysan dadka Shacabka ah.

Wararka laga helayo degaannadii lagu dagaalamay ee Taabto iyo Cabdalla Biroole ayaa waxaa ay sheegayaan inay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya & kuwa jubbaland, isla markaana ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan.