Munaasabad lagu dhiirrigelinayay Dhakhaatiirtii ka shaqeeyay ka hortaga Covid-19 oo lagu qabtay Muqdisho

21

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir Marwo, Basma Caamir Axmed (Jakeetti) iyo sii-hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Saciid ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay Dhakhaatiirtii naftooda u huray sidii cudurka karoona fayris looga badbaadin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka,gobolka Banaadir,ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale waxaana soo qaban qaabiyay maamulka hotel Guryo samo.

Guddoomiye Basma Caamir Jakeetti ayaa uga mahadcelisay dhakhaatiirtii ka shaqeeyay sidii looga hortegi lahaa in cudurka Karoona fayris uu ku faafo dalka, iyadoo ku ammaantay dhabar adeegii ay muujiyeen xilligii adkaa.