Raysal wasaare Rooble oo ka hadlay tacadiyada ka dhanka ah Haweenka ee ku soo badanaya dalka

13

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ka hadlay tacadiyada kufsiga iyo dilka ka dhanka Haweenka Soomaaliyeed iyo carruurta , kaas oo muddooyinkii dambe Soomaaliya ku soo badanayay.

Raysal waare Rooble oo hadal jeediyay kadib munaasabadda xil wareejintiisa maanta ka dhacay xafiiska raysal wasaaraha dalka ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhisi doono, xukuumadda tayo leh oo hirgelin karta hiigsiga fog ee Soomaaliya,lehna deris wanaag iyo nabad

Waxa uu sidoo kale xusan raysal wasaaruhu in uu mudnaan gaar ah siin doono haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in tacadiyada ku soo noq noqday dalka ee haweenka Soomaaliyeed iyo Carruurta ka dhanka ah uu u xil saari doono Khabiir sharci oo xil iska saara arrintan.