Muuse Biixi oo eedaymo u jeediyay madaxweyne Farmaajo

14

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay hadal uu xalay madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay dood ku saabsaneyd arrimaha doorashada ee 2020/21.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal ka jeedinayey doodadaasi ayaa sheegay in Somaliland aysan Soomaaliya ka  go’in karin, islamarkaana ay midnimada Soomaaliya tahay mid muqadas ah, isuna bahanyihiin shacabka

Maxadweynaha Soomaallind Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka halay munaasabad macalimiin tababar loogu soo xirayay,  ayaa si kulul u jawaabayey hadalkii madaxweyne Farmaajo  waxaa uuna tilmaamay   in  Somaliland kow ka ahaayeen midnimda   shantii Soomaaliyeed laakiin ay wax ka socon waayeen siyaasiinta soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu isaga uu yahay qofka wax ka socon la’yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha’ahaatee hadallladan kulul ee ay dhanka warbaahinta isku mariyeen labada madaxweyne ayaa ku soo aaday  xilli dhowaan wada-hadallada labada dhinac ay dib uga billowdeen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.