Banaanbax ka dhanka ah Ciidamada Kenya oo ka dhacay gobolka Gedo

17

Degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa maanta waxaa ka dhacay banana baxyo waaweyn, kuwaas oo ay dhigayaan dad shacab ah .

Dadkan shacabka ah ayaa ka cadheysan , dad shacab ahaa oo ciidamada Kenya ay ku dileen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Shacabka ayaa dalbanaya in ay helaan cadaalad, isla markaasina lagula xisaabtamo ciidamada Kenya falalka arxan darrada ah ee ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed ee reer Gedo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah ciidamada iyo dawladda Kenya.

Dhinaca kale maamulka degmada  Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hadlay arrintan, ayaa waxa ay qireen dhacdadan ka dhacday degmadaas, iyagoo sheegay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin fara badan ugu gaystaan Gedo shacabka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka dalbadeen in ay arrintan soo fara geliso