Mahdi Guuleed oo ka war bixiyey kulan ay la yeesheen xubnaha beesha caalamka

11

Sii-hayaha Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shir ay la yeesheen wakiillada beesha caalamka oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Shirkaas oo ay goobjoog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Kulankaan oo u dhaxeyey dowladda Soomaaliya iyo wakiillada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, iyadoo beesha caalamka ay xalay war kasoo saartay heshiiska dhawaan laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa qoraalkii xalay ku muujisay inay ka xumeed shaacinta heshiiskaas, waxayna tilmaameen in yoolka dowladnimada Soomaaliya uu ahaa in markaan la gaaro cod bixin toos ah. Iyagoo dhinacyada gaaray heshiiska ugu baaqay in doorashadu noqoto mid daah-furan oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.

“Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.