Howlgallo culus oo ka socda Sh/Dhexe iyo dad loo qabtay xasuuqii Cadale

28

Ciidamada maamulka Hir-shabeelle iyo kuwa xoogga dalka ayaa saacadii aan soo dhaafnay howgallo culus ka bilaabay Raaga-ceelle iyo deegaanada hoos taga ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalladaas ayaa lagu baacsanayaa ragii ka dambeeyay xaquuqii maalin ka hor deegaanka Koogaar loogu geystay culumo ku jirtay Qur’aan akhris.

In ka baadan 40-qof ayaa la sheegay in howgalkaas lagu soo qabtay, waxaana dadkaas la isugu geeyay saldhig ku yaalla Raaga-ceelle, baaritaano ayaana ku socda sida ay saraakiishu noo sheegeen.

Howgalkaan oo ay hor-kacayaan guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, taliyaha booliska maamulkaas iyo saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa waxaa amray in la fuliyo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe.